Mourinho iskuma hawli doono Gareth Bale ilaa iyo xagaaga dambe

Sunday Express waxa ay warisay in Jose Mourinho sugi doono ilaa iyo xagaaga dambe si uu u helo Gareth Bale.

Bale aad ayaa looga qiimeeyaa Old Trafford tan iyo markii uu ku soo shaac baxay Southampton iyada oo ay dhawr tabbare oo isku dayeen saxiixiisa.

28 jirka qandaraas aad qaali u ah ayuu Real u saxiixay kal hore balse dhaawacyo hareeyey ayaa shaki galiyey mustaqbalkiisa dheer.

Wales-ka xitaa keyd ayaa lagu soo bilaabay fiinaalihii Champions League-ga hadana waxa ay Real Madrid dooneysaa in ay isku xoojiso Kylian Mbappe.

Hase ahaatee, Mourinho uma muuqdo mid isku hawli doonaan xiisaha Bale xagaagan.


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.