Dani Alves oo ugu baaqay Neymar in uu geesinimo la yimaado

Dadabka middig ee Paris Saint – Germain Dani Alves waxa uu ugu baaqay Neyrmar in uu dantiisa oo kale eekto geesina noqdo.

Neymar waxa uu Barcelona uga tagi karaa €222 million si uu ugu biiro Paris Sant – Germain.

Wararka waxa ay qabsadeen ciiwaanada kubadda cagta, hadda Alves ayaa ku booriyey dal wadaagiisa in uu geesi noqdo.

“Maalin walba waan la hadlaa, laakiin ma aha mar walba kubadda cagta wax ku saabsan,” ayuu Alves u sheegay wariyeyaasha.

“Waxaan isku dayaa in aan dajiyo maxaa wacay maalmahan dadka oo dhan ayaad dhageysaneysaa oo waad ku waalan kartaa.

“Waa in aad taada uun ka fakartaa maxaa yeelay kooxaha adiga kaa fekeri maayaan kumana eegayaan marka aadan natiijo keeneyn, sida aniga tusaalaha la’igu soo qaadan karo.

“Hal arin ayaan u sheegay, taas oo ah in uu geesi noqdo, maadama aduunka geesiga uun ka bixi karo.

“Go’aanada waxaa qaata geesiyaasha anna waxaan ka mid ahay kuwa ugu geesisan oo go’aansaday in aan ka tago Barcelona iyo Juventus.

“Hadda waa in uu go’aan garaa si uu horumaradiisa u sii wato, Waxaan rabaa uun in saaxiibkey faraxsanaado meel walba ee uu joogo, walow hadii ay halkan ahaan lahayd ay ka sii fiican tahay.”


Nagala soo xiriir Info@marqaato.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Our Facebook

.